Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ay Xigto ahaayeen Siyaad Barre oo ku geeriyooday Muqdisho+Raaligelin uu siiyey Shacabka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
 Halkan ka Daawo Xoosh oo Raalgelin siinaya Shacabka Somaliland:-

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatadii Somaliya ugu magaca dheeraa Xilligii Kacaankii Siyaad Barre ka talin jiray Somaliya

Cabdi Xoosh Wuxuu ku dhashay Miyiga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, waxaana uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isaga oo Lix sano jira ah sida uu ku sheegay wareysi hadda ka hor lala yeeshay.

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa isaga oo yar ka bilaabay magaalada Muqdisho  ganacsi aan sidaa u buur-neyn sida iibinta Roodhida iyo Muuska, isaga oo markii danbe ku biiray dhinaca ciidanka Milateriga Soomaaliya  oo uu ka mid ahaa  Sanado badan.

Militariga kaddib waxaa uu u wareegay Dhanka Ganacsiga,Magaalada Muqdisho ayu ka hergaliyay ganacsiyo kala duwan  iyo dhismayaal caan ah oo ilaa iyo hadda ku suntan  magaca ”Xoosh”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this