Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo saaka la wareegay degmada Raaga-Ceelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar iyo dagaal toos ah oo saaka aroortii hore ka dhacay degmada Raaga-Ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa qaaday dagaalyahano ka tursan Al-Shabaab, kuwaas oo dagaal la galay ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka, kadib dagaalyahanada Al-Shabaab ay u suura-gashay la wareegitaanka degmadaasi.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degmada, haatana ay ku sugan yihiin saldhigyadii ciidanka dowladda.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda.

Raaga-Caalle ayaa waxaa lixdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this