Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faha faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goor dhow ka dhacay agagaarka sarta Beexaani, degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen, iyaga oo ka bilaabay baaritaano dheeraad ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this