Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Shiinaha oo Xayiraad ku soo rogtay Wasiiradii & Saraakiishii Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Shiinaha oo Xayiraad ku soo rogtay Wasiiradii & Saraakiishii Trump

 

Dowlada Shiinaha ayaa wax yar kadib markii uu xilka ka degay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump xayiraad kusoo rogtay 28 kamid ah madaxdii xukuumadii dhacday ee Trump.

China-Xayiraad-shaqaalihii-Trump-1080x72

Xubnaha xayiraada lagu soo rogay waxaa kamid ah Xoghayihii Arrimaha Dibada Mike Pompeo, Lataliyihii dhaqaalaha Peter Navarro, Lataliyihii Amniga Robert O’Brien, Kuxigeenkii Wakiilka Aasiya David Stilwell, Xoghayihii Caafimaadka Alex Azar iyo Safiirkii Maraykanka ee UNka Kelly Craft.

Lataliyayaashii hore ee Trump ee xilalka horey uga tagay ee John Bolton iyo Stephen Bannon, ayaa kamid ah xubaha China ay xayiraada saartay.

Dhamaan xubnahan ayaan booqan karin dhulka China, waxaa sidoo kale dalka Shiinaha laga mamnuucay dhamaan shirkadaha iyo hay’adaha xiriirka laleh xubnahaasi oo ay dowlada China sheegtay inay si weyn u muujiyeen cadaawada ay u qabaan wadanka Shiinaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this