Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca XF oo la kulmay Madaxda Waaxyaha wasaaradda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa kulan looga hadlayay dardargalinta howlaha hortabinta leh ee Wasaaradda gaashaandhigga la qaatay Madaxda Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xafiiska ka hortagga askareynta carruurta.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta  ayuu Wasiirka Gaashaandhigga faray xafiiska ka hortagga askareynta carruurta iyo Madaxda Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda in si toos ah ay u wada-shaqeeyaan   .

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhammaan howladeena Wasaaradda kula dar-daarmay u adeegida shacabka Soomaaliyeed iyo inay si daacadnimo ah u gutaan waajibaadka loo igmaday.

1-11.jpg 2-9.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this