Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo cambaareysay qaraxyo ka dhacay Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu cambaareeyey qaraxyadaasi oo labo ahaa, islamarkaana ay ku dhinteen dad badan oo shacab ahaa.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa tacsi u dirtay shacabka & dowladda Ciraaq.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku sii daray “Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this