Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg— Al-Shabaab oo qarka u soo fariistay Jowhar kadib marakay qabsadeen dhowr Tuulo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Jowhar waxaa Caawa fiidkii laga warhelay inay Al-Shabaab qabsadeen Deegaanada Warciise oo Magaalada Jowhar u jirta qiyaastii ilaa 19 KM, waxaa iyana caawa gacanta Al-Shabaab galay Deegaanada Geeyfo, Jabada carbeed, Qoordheere oo gabi ahaan ka tirsan Degmada Raage Ceele ee Gobolka Dhabellada Dhexe.

Deegaano Degmada Balcad ka tirsan ayaa iyana lagusoo waramayaa inay kusoo dhowaadeen oo ag afka kusoo hayaan.

Dhowaan ayay Ciidamadii Dowlada ee Deegaanadaas ay soo baneeyeen kadib markay sheegeen inaysan Mushaar iyo Daryeel ka helin Dowlada Federaalka.

Maamulka Hirshabele iyo Dowlada Federaalka midna kama hadlin Xaalada caawa ka cusboonaatay Shabeelaha Dhexe.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

The post Deg Deg— Al-Shabaab oo qarka u soo fariistay Jowhar kadib marakay qabsadeen dhowr Tuulo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this