Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking- Midowga Musharixiinta Beesha Caalamka ka codsadey in baaritaan Caalami ah lagu sameeyo in Ciidamo Soomaaliyeed ka qaybqaateen Dagaalkii Tigrey iyo Ciidamada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan khadka Online-ka ah oo dhexmaray Golaha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Bersha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa ugu horayn looga wada hadlay Arimaha Foorashada.

Musharixiintu waxay hoosta ka xariiqeen inay marwalba diyaar u ahaayeen sidii Doorasho loo dhanyahay lagu gali lahaa hadana ay wali diyaar ugu yihiin Laakiin Xukuumadu ay dodocinayso Doorashada.

Musharixiintu waxay soo dhaweeyeen Dadaalka ay wadaan Bersha Caalamku, ayna diyaar u yihiin in Dalka ay ka dhacdo Doorasho xalaal ah.

Beesha Caalamku waxay wadaan waanwaan nabadeed oo Doorashada ku daabsan, iyo in miis la isugu yimaado.

Dhinaca kale Musharixiintu waxay muujiyeen walwalka ay ka qabaan Dhalinyarada la sheegay in tababar qarsoodi ah loogu qaadey Dalka Erritria, waxayna Beesha Caalamka gaar ahaan waxay codsadeen in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu baaritaan Caalami ah ku sameeyo in Ciidamo Soomaaliyeed ay ka qaybqaateen Dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ku dhexmaray Dowlad Deegaanka Tigray iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya.

Musharixiintu waxay carabaabeen in ay lasoo xiriireen Hooyooyin oo mudo Sagaal bilood ah aan ka war helin Caruurtoodii loo qaaday Casmara.

Musharixiintu waxay kaloo Beesha Caalamka u sheegeen in Gudiga Amniga ee labada Aqal iyo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya aysan wax war ah kala socon Ciidamo lagusoo tababarayo Casmara.

Puntlandi.com Muqdisho

83BC7E6F-5B0E-418C-91CE-69289AB878E2-519

The post Breaking- Midowga Musharixiinta Beesha Caalamka ka codsadey in baaritaan Caalami ah lagu sameeyo in Ciidamo Soomaaliyeed ka qaybqaateen Dagaalkii Tigrey iyo Ciidamada Itoobiya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this