Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dad ka careysan dilkii Dhagajuun oo dibad-bax dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeeday dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhigeen dhalinyaro iyo haween ka careysnaa dilka marxuumka.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay cadaaladda horkeento askartii ka dambeysay dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan.

AUN guddoomiye Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa ku dhintay is-rasaaseyn xalay dhex-martay ciidamo ku sugnaa isgoyska Howl-wadaag iyo ilaaladiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

425313c1-6baf-4ec2-8fcf-8733c94def12 2c399efa-eb52-4fc7-ba68-086c4afea460 2efb860a-03c0-4e57-878f-2f868845744f 3a014d8f-c655-463f-825c-73afbf582b5f 8bb00e40-5c0b-4406-bc90-aeccf055ebed 65433fa9-e3e6-46fe-97b7-683e833b029acc2a1e21-810a-409c-9591-7973aa27c086

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this