Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo ka hadashay amniga Muqdisho & qaraxyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay falalka ammaan darri ee Muqdisho, gaar ahaan qaraxyada.

Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in siyaabo kala duwan ay soo maraan qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimadda, isaga oo tilmaamay in Al-Shabaab ay haatan waddo qaraxyo is-miidaamin ah iyo kuwa miino ah oo la dhigayo la dhigo waddada dhinacyadeeda.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka dig-toonaadaan qashinka la dhigo dhinacyada waddooyinka oo ay suura-gal tahay in miino loo geliyo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii la soo dhaafay qaraxyo nooca miinada ah ay siyaabo kala duwan uga dhacayeen xaafadaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this