Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo war kasoo saaray dilka guddoomiyihii Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray qoyskii & asaxaabtii uu ka baxay marxuumka oo lagu dilay isgoyska Howlwadaag.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha aayaa faray hay’adaha ammaanka in ay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan dhacdadaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this