Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xirtay labo Wariye

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210121_004624344.jpg?resiCabdullaahi Warsame (bidix) iyo Maxamed Cabdiwali Tooxow

Maamulka Galmudug ayaa caawa fiidkii xiray labo Wariye oo ka howgala magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaas.

Labada Wariye oo degaanada Galmudug caan ka ah ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble.

Wariyeyaasha ayaa Arbacadii iska soo duubay muuqaal ay ku soo bandhigeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa hadal uu maalin ka hor ka jeediyay kulan tacsi ah oo Gaalkacyo ka dhacay ka sheegay in aan loo dulqaadan karin cidda tabisa wararka Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa lagu dhibaateeyaa shaqaalaha warbaahinta, waana meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo xirtay labo Wariye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this