Deeq A. Posted January 20, 2021 Joe Biden ayaa loo dhaariyay madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka, waxaana lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka. Biden, wuxuu qaatay dhaarta madaxweynaha, isagoo ku dhaaranaya inuu ilaalinayo dastuurka Mareykanka isla markaana ka difaacayo dalka cadawga oo dhan, shisheeye iyo sokeeyeba. Biden, oo ah 78 jir, wuxuu noqonayaa hogaamiyaha ugu da’da weyn abid Mareykanka, kadib markii uu 36 sano soo ahaa senator Mareykan ah iyo sideed sano oo ahaa madaxweyne ku xigeen. Biden oo hadal jeediyay ayaa yiri “Rabitaanka dadka waa la maqlay, rabitaanka dadka waa la dhegaystay. Waxaan mar labaad baranay in dimuqraadiyadu qaali tahay, dimuqraadiyaduna tahay mid jilicsan. Saaxiibbaday saacaddan, dimuqraadiyadda ayaa ka adkaatay.” “Tani waa maalintii Mareykanka. Tani waa maalintii dimuqraadiyadda. Maalintii taariikhda iyo rajada, cusboonaysiinta iyo xallinta, ”ayuu raaciyay. Biden ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in “midnimadu tahay wadada loo socdo.” Xafladaha dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa seddex madaxweyne oo hore Barack Obama, George W. Bush iyo Bill Clinton, laakiin waxaa ka maqnaa madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday Donald Trump oo iska indhatiray 152 sano oo dhaqan u ahaa madaxweynayaasha Mareykanka ka qeybgalka dhaarinta kuwii ka dambeeyay. Donald Trump ayaa Aqalka Cad ka ambabaxay wax yar ka hor xaflada dhaarinta, isagoo aaday gurigiisa oo ku yaalla xeebta Atlantik ee Florida. PUNTLAND POST The post Biden oo loo dhaariyay madaxweynaha Mareykanka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites