Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye degmo oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16111867641190198.jpg?resize=720%Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun

Waxaa goordhaweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Ciise Dhagajuun.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyha degmada Hodan ay dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun ayaa lagu dilay isgoyska Jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa bishii Noofember ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax miino, wuxuuna maanta ka soo laabtay safar caafimaad oo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ka soo laabtay qurbaha, wuxuuna dhalashada labaad ka haystay Sweden.

PUNTLAND POST


The post Guddoomiye degmo oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this