Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Biden oo si rasmi u noqday madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.

Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden waxa uu ku yiri “Dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.” Waxa uu maalinkan ugu yeeray “maalin taariikh iyo rajo.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu “mar kale bartay in dimoraadiyadda ay tahay wax qaali ah”.

“Riyada cadaaladda hadda iyo kadib dib looma sii dhigi doono,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Biden ayaa u mahad-celiyey kuwii xilka ugu horreeyey ee labada xisbi ee ka qeyb-galay caleemo-saarka. Waxaa ka mid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence, halka madaxweynihii hore Donald Trump uusan ka qeyb-gelin munaasabadda.

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday “midnimo la’aan, nabad ma jirto.”

Waxa uu ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri “hoggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta.”

“Waa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee na isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,” isaga oo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.

AP + VOA

140957343_10158422914633074_480631090710 140701635_10158422914653074_138978639119 140792837_10158422914643074_783311671598 140846470_10158422914778074_740377966675 140679193_10158422851453074_187782021500 141271807_10158422851433074_246861235901 140518487_10158422851543074_819445213559 140973038_10158422851553074_629043618767 141614913_10158422851443074_731114541853

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this