Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Rooble oo amar dul dhigay hay’adaha amniga iyo maamulka G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee dalka, si gaar ah gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hey’adaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga iyo halka ay marayaan howlgallada lagu xasilinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laamaha ammaanka faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xiligan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Kulanka ayaa intii uu socday waxaa loogu baaqay shacabka Caasimadda in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si dhowna ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, haddii ay dareemaan khataro, maadaama xiligan oo dalku ku jiro doorashooyin cadowga ummadda Soomaaliyeed uu doonayo in uu dhibaato u geysto bulshada,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Eng. Rooble ayaa si gaar ah ugula dardaarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta dalka ee xiliga doorashooyinka.

Kulankan waxuu ku soo aadayaa iyadoo lagu wado inay dhawaan dalka ka bilaawdaan doorashooyin, balse waxaa jirta amni darro iyo cabsi xoog leh oo laga qabo weerarrada iyo qaraxyada Al-Shabaab.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii looga hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Hoos ka Daawo


140891330_2899635546934227_3616386958793 Rooble-8.jpg Cumar-Filish-2.jpg Xundubey-1.jpg Dubbe-Dube.jpg Xijaar-1.jpg Rooble-2-2.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this