Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Tamarta XF oo qaabilay sarkaal ka tirsan safaaradda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. Oguz Yilmaz.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray  wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo  hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow  inay yeeshaan Wasaaradda iyo  Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya. 140380297_2488988784730931_3725189710427Halkan hoose ka daawo sawirrada:-140561543_2488988804730929_2395214236937 140561543_2488988804730929_2395214236937874709_o-1068x712 140824643_2488988791397597_5057219449213545670_o-1068x712 140561543_2488988804730929_2395214236937874709_o140824643_2488988791397597_5057219449213 140842376_2488988781397598_3444721585946 140845063_2488988798064263_2456412659253

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this