Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay beesha caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyosSafiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjireyaal kale.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa arrimaha muhiimada u leh xaalada hadda lagu jiro, gaar ahaan ammaanka iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin-waaga ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

140939777_1960297070777851_8734248453062600340_o 140610656_1960297077444517_5182900976261080125_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this