Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Ismaaciil Boos

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boos.

Qoraal tacsi oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boos”.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii” ayaa qoraalka tacsida la raaciyay.

Cabdi Ismaaciil Boos oo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland, iyo Guddoomiyaha Bangiga ayaa ku geeriyooday Burco, iyadoo xaalad caafimaad loogu wado Hargeysa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Ismaaciil Boos appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this