Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga ay howl-gallo ka sameeyeen  deegaano ka tirsan gobolkaasi.

How-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Kumaandooska Danab oo isku fidiyey deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa shaaciyey  inay la wareegeen deegaanada Beer-Xaani,Cabdi Dhoore, Qudus iyo Liba Kuus oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay nolosha ku qabteen illaa saddex xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ayaa howl-gallo ka dhan ah Al-Shbaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this