Deeq A. Posted January 19, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hadda kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Kulankaan xoogiisa waxaa la sheegay in looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay. Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii NISA Fahad Yaasiin ay dadaal ugu jiraan sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare. Fahad iyo Farmaajo ayaa doonaya inta aan la gaarin 8-da Febraayo in Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed lagu soo doorto xubnaha ku metelaya baarlamaanka federaalka. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta NISA ugu taga Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa horay xarunta Habar-Khadiijo ee looga taliyo Nabad sugidda Soomaaliya ugu tegay Taliye Fahad Yaasiin, iyagoo kala hadlay khilaafka hareeyey doorashada dalka. Share this post Link to post Share on other sites