Deeq A. Posted January 19, 2021 Cali Maxmed Macalin (bidix) iyo Cabdirashiid Dubbad Qarax maanta ka dhacay degaanka Garasbaaley oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Afar qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin. Guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaaley Cali Maxmed Macalin, Guddoomiyihii dhalinyarada Garasbaaley Cabdirashiid Dubbad iyo labo askari ayaa ku dhintay weerarkaas. Sidoo kale qarax waxaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen ilaa lix qof oo ay ku jiraan dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay. Afarta qof ee ku dhimatay qaraxa ayaa lagu aasay Isbitaalka Madiina Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee Cabdiraxmaan Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkaas. Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in qaraxu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaley Cali Maxamed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay ma’suuliyadda qaraxa lagu dilay mas’uuliyiinta degaanka Garasbaaley. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites