Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>Gudoomiyaha kumeel Gaarka ah ee Degmada Gaa...

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha kumeel Gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdinuur Aaden ayaa si rasmiya Xilka ula wareegay.

Kadib markii Madaxweyne Saciid Deni uu si kumeelgaar ah ugu magacaabay Gudoomiyaha Cusub waxaa bilowdey in loo tabaabusheysto Howlaha Dhisida Golaha cusub ee Deegaanka si loo helo Gudoomiye rasmi ah oo Gudigu iska Doortaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Mudane Maxamed Dhabancad ayaa balsnnqaadey in si deg deg ah loosoo dooran doono Gudoomiyaha rasmiga ah.

Maxamuud Cabdinuur oo in mudo ah ahaa Agaasimaha Wadooyinka ayaa Madaxweynuhu u gartay inuu qabto Xilka Kumeelgaarnimada loogu magacaabay, Dadka aadka u yaqaan Gudoomiyaha cusub waxay ku tilmaameen Inuu yahay shaqsi ku haboon xilkaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhabancad ayaa goobjoog ahaa goobta Xilka lagula kala wareegay.

Puntlandi.com Gaalkacyo

E1C4FE5F-95AC-4BF5-B2CE-90A1FCB87C74.jpe

The post appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this