Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Guriceel—Hooyooyin ka mudaharaadey Caroortoodii loo qaadey Tababarka Ciidan oo ay kale la’yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa kala eryay Hooyooyin Mudaharaadayay, kuwasoo ka cabanaya Wiilashoodii loo qaadey Dalka Erritrea oo mudo Sagaal bilooda aysan ka war hayn.

Hooyooyinkaan oo awal ka walwalsanaa war la’aanta Caruurtooda ayaa iminka ku baraarugay wararka sheegaya in Ciidamo Soomaaliyeed oo Tababar u joogay Casmara ay ku nafwaayeen Dagaalkii Gobolka Tigreega.

Hooyooyinkaan waxay sheegeen iney in mudo ah ka daba laabanayeen sidey Xog uga heli lahaayeen Caruurtoodii loo qaadey Erritrea balse Dowlada Federaalku ilaa hada jawaab lagama hayo.

Magaalada Muqdisho ugu yaraan Konton Qoys ayaa sheegay ineysan wax wara ka heyn Wiilashoodii loo qaadey Erretria.

Ciidamada loo qaadey Erritrea waxay badan koodu kasoo jeedaan Deegaanada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

waxaa iyana ku jira ugu yaraan 37 Wiil oo kasoo jeeda Soomaaliland iyo Puntland

Puntlandi.com Gaalkacyo

D36596C9-6DE0-4E4E-A01F-BA4FCF4F02F0.jpe 88F72EAC-DFCC-4C4A-B8F8-244CEE079BFD.jpe 1E71C8E3-117E-4C60-B935-3A200941F3EF.jpe

The post Breaking News— Guriceel—Hooyooyin ka mudaharaadey Caroortoodii loo qaadey Tababarka Ciidan oo ay kale la’yihiin appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this