Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Cumar “Galmudug Way Ku Faraxsantahay In ciyaaryahan Sarqaawi Looga Yeero Xulka Qaranka Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mduane Cumar Cabdi Guure ayaa bogaadiyay da’daalka wanaagsan ay soo bandhigeyn xidigaha Galmudug ee kaalinta labaad ku dhameystay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sequence-362.00_05_47_08.Still001-1024x7

“Waan u mahadcelinayaan ciyaartooyda iyo macallimiinta Galmudug ee marki ugu horeesay na gaarsiiyay heerka ugu danbeeya tartanka kubabdda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxay noo soo hooyeen sharaf iyo karaamo” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mduane Cumar Cabdi Guure .

Sequence-362.00_05_50_24.Still002-1024x7

Dhinaca kale Agaasime Cumar Guure waxa uu sheegay in Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug ay sharaf u tahay in badan oo ka mid ahaa xidigihii Galmudug loogu yeero waajibaadka Xulka Qaranka Soomaaliya,wuxuuna taas ku sheegay in ay tahay horomarka ay ka sameeyeen ciyaaraha Soomaaliya.

136767975_3628882950482040_7744878568145

“Waajibaadka Xulka Qaranka Soomaaliya ma ahan wax fudud,waxaan u rajaynayaa dhamaan xidigaha loogu wacay Xulka Qaranka in ay gaaraan guul waaweyn,Wasaaradda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug oo iska kaashanaya wata ay garab taaganyihiin horomarka iyo guulaha xidigaha Galmudug 2020 ee kor u qaaday sharafteena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mduane Cumar Cabdi Guure

MVI_9947.MP4.00_00_07_17.Still001-1024x5

Daawo Agaasime Cumar Oo Ka Hadlaya Arrimhaas

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Agaasime Cumar

Agaasime Cumar Guure “Way Mahadsanyihiin Madaxda Iyo Bulshada Reer Gaalkacyo”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this