Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay dib ula waregeen deegaanka Mashallaay oo ka tirsan gobolkaasi, kadib markii ay saaka isaga soo baxeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in daglaayahanada Al-Shabaab ay si nabadoon kula wareegeen deegaanka, iskuna fidiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ciidamada AMISOM ay isaga soo baxay halkaasi ay tageen degmada Qoryooley ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay uga soo baxeen deegaanka Mashallaay oo ah mid istaraatiiji ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this