Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Africom oo Duqeyn Dhanka Cirka Ah Ka Fuliyay Gobalka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliya wadan ayaa duqeymo ka fuliyay deegaanka Tiyeegloow ee gobalka Bakool ka tirsan halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay xilli danbe ay maqlayeen dhawaqa hubka culus ee duqeeynta diyaaradda ay ka sameeyneysay Faarisimaha Al-shabaab.

Duqeeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha Taliska AFRICOM ee mareykanka ayaana weli ka hadlin khasaaraha rasmiga ah ee duqeynta ay ka geeysteen deegaanka Tiyeeglow ee gobalka Bakool .

Howlkan ay iska kaashanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AFRICOM, ayaa noqonaya midkii ugu horeyay kadib markii ay ciidamada mareykanka ay xaqiijiyeen intooda badan in ay isaga baxeen Soomaaliya.

Deeganada gobalka Bakool ayaa waxaa muddo 10-sano ka badan go’doono dhinacyo badan ah saaray Al-shabaab, iyadoo ay shacabka Magaalooyinka waaweyn ee Gobalka Bakool ay ka jirto xaaladoo nolol dari ah .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this