Deeq A. Posted January 19, 2021 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend. Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka Milatari ee labada Dowladeed iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada Mareykanka ee ku aadan tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidamada qalabka sida. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites