Sign in to follow this  
Deeq A.

DF beenisay inay askar Soomaali ah qeyb ka yihiin dagaalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah oo laga fidiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga waddamada dibadda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur ay dadka qaar siyaasad ka raadinayaan.

Ma jiro ciidan soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay iyo ciidan ay itoobiya dowlada soomaaliya weydiisatay ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this