Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaallo geystay khasaare kala duwan oo saacadihii la soo dhafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka J/ Hoose.

Dagaalladan oo u dhaxeeyay ciidmada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa yimid, kadib weeraro ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa Shabelle u sheegay inay fashiliyeen weeraro kaga yimid dhanka Al-Shabaab, ayna haatan maamulayaan goobihii lagu diriray.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaq culus laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this