Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Xudur Oo La Gaarsiiyay Deeqdii Ugu Horeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Goordhaw waxaa gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Xuddur ee xarunta gobalka bakool diyaarad sidday deeq isugu jirta raashiinka nuucyadiisa kala duwan .

Deeqday ayaa waxaa la filaya in loo qeybiyo dadka degan magaalada oo muddo dheer go’doon ku jira , taas oo keentay in ay yaarato maciishadda magaalada xuddur .

Xuddur waxa ay ka mid tahay magaalooyinka qadiimiga ah taarikhda Soomaaliya , waana caasimadda gobalka Bakool, magaalada ayaana muddo 10-sano ah go’doon ugu jirto xayiraado ay ku soo rogeen ururka Al-shabaab .

magaalada ayaana muddooyinkii u danbeyay dadka ku nool ay wajahayeen xaalado nolol darri ah , oo ka dhalatay sicirka raashiinka oo sare u kacay .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this