Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhallinyarada Gobolka Banaadir Ee Galmudug “Waan U Mahadcelinaynaa Guddoomiye Xasan Axmed Shire”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhalinyarada Galmudug ka soo jeeda ee degan Gobolka Banaadir ayaa kulan mahadcelin iyo dhiirigelin ah caasimada Muqdisho ugu sameeyay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug ee is badalka ku sameeyay kooxda Galmudug ee markii ulu horeesay taariikhda soo gaartay kama dambeysta tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

MVI_7036.MP4.00_00_00_10.Still001-1024x5

Dhalinyarada ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn madaxda Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug,waxayna intaa ku dareyn in ay kaliya kaga qancayaan hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadaha soo socda.

Sequence-346.00_00_44_21.Still004-1024x7

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mudane Cumar Guure ayaa isna sheegay in Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug la’aantiisa aysan Galmudug sameyn laheyn wacdarihii ay ku soo bandhigen tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sequence-362.00_05_50_24.Still002-1024x7

Guddoomiyaha Xiririka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire ayaa sheegay hadii la rabo guuusha kooxda Galmudug in taageerayaasha tirada badan ee kala jooga gudaha iyo dibada ay qaataan doorkooda horomarinta iyo dhiirigelinta xiidigaha Galmudug,si ay Galmudug ay ugu guulaystaan tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

MVI_7106.MP4.00_00_02_11.Still001-1024x5

Daawo Warbixin Ku Saabsan Guddoomiyaha X.K.Cagta Galmudug

Sidoo Kale Warar Ku Saabsan X.K.Cagta Galmudug

Guddoomiye Xasan Axmed Shire “Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsantahay Kaalintii Aad Ka Qaadatay Dhiirigelinta Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this