Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxay gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Malateriga dalka Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ay kala baxeen gudaha Soomaaliya,taas oo qayb ka ahayd amaradii ugu dambeeyey ee madaxweyne Trump.

Quburo ka faalooda ammaanka ayaa si weyn ugu digay in Mareykanka uu Soomaaliya kala baxo ciidamadiisa oo lagu qiyaasay 700 oo askari, taas oo keeni karta halis weyn.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Al-Shabaab ay leeyihiin xirfado ay ku sameystaan walxaha qarxa, islamarkaana ay sii wedi karaan weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaaneysa, iyadoo wax ka yar hal bil ay ka harsan tahay xilliga doorashada ee dalka ee 2021-ka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya uu ka caawin jiray tababarada milateriga oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah oo ka qayb-galayey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Askarta Mareykanka ah ee laga saaray Soomaaliya ayaa la dejiyey Kenya iyo jabuuti oo deris la’ah Soomaaliya, sida uu hore uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this