Deeq A. Posted January 18, 2021 (SLT-Mascow)-Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka ku yaala magaalada Moscow. 44 jirkan ayaa 5 bilood ka hor ka badbaaday sunta nooca waxyeeleysa neerfaha oo loo adeegsaday. Waxaa la arkayay isaga oo ay booliska u sii kaxeynayaan goobta lagu baadho baasaboorada ee garoonka sida ay sheegeen dad arkayay. Waxaa jira eedeymo culus oo ka dhan ah hoggaamiyaha oo loo jeedinayo dowladda Ruushka oo rumeysan yahay in ay iyadu ka dambeysay isku deygii la doonayay in ninka lagu sumeeyo. Sidoo kale waxaa jirta cadho ka dhalatay xadhigiisa oo ay muujinayaan taageerayaasha hoggaamiyahan oo ka soo horjeeda dowladda Rushka. Ka hor inta aan ninkan la xidhin waxaa jira dad badan oo isugu soo baxay ilinka hore ee garoonka kuwaa oo doonayay in ay salaamaan hoggaamiyaha, balse waxaa ay ka war heleen in laga weeciyay garoonkii ay ku sugayeen. Source Share this post Link to post Share on other sites