Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo kasoo horjeestay qodob ay Beesha caalamka ku xalineyso arrimaha doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakhtiga xil-heynta madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka haray in ka yar 30 maalmood, hadana xogaha la helayo waxey sheegayaan inuu ka madax adeegayo qodob ay soo jeedisay beesha caalamka oo la rabo in lagu saxo dhibaatooyinka ku hor gudban doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa wada hawlo uu ku dar-dar galinayo arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay iney shir isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada isla markaana la dhameeyo khilaafyada jira ee doorashada ku hareereysan.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu ka biyo diidsan yahay in shir la isugu yimaado, sidoo kalana waxaa xusid mudan iney socon waayeen waan-waan uu waday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey doonayaan iney doorashada ku dhaqaaqaan ka hor dhamaadka xil-heyntiisa, inkastoo laga digay inuu qabto doorasho qabyo ah taasoo laga cabsanayo iney ka dhalato xasillooni darro.

Lama oga hadii madaxweyne Farmaajo uu ogolaan doono shirka ay soo jeedisay beesha caalamka iyo inuu ku dhaqaaqi doono doorasho qabyo ah oo laga sii digay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this