Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka  dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza.

Wasiir Jamaal iyo Danjire Hassan Hamza, ayaa la sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka iskaashi ee labada waddan ka dhaxeeya.

Sidoo kale, waxa la sheegay in ay ka wada-hadleen dardar gelinta arrimaha mashaariicda dowladda Qatar ka waddo gudaha Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul waxa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Cabdulqaadir Maxamed Aden.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this