Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Milateriga Somalia oo Qarax & Weerar is-daba socday lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Askar ka tirsan Milaterga Somalia oo Qarax & Weerar is-daba socday lagu laayey

qarax-3-300x166.jpg

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay ilaa 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar iskugu jira qaraxyo iyo weerar daba socday oo lagula eegtay kolonyo agagaarka degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellda Hoose.

Kolonyada baabuurta ayaa waxaa la socday guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Siidii iyo saraakiil ka tirsan milatariga, waxaana la socday ciidan iskugu jira Danab iyo Guutada Toddobaad, sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo amni oo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.Weerarka ayaa la sheegay inuu marka hore ahaa qarax lala eegtay baabuurta, kadibna waxaa ciidamada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab dhexmaray dagaal.Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this