Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ka digtay xaaladda nololeed ee ka jirta degmada Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gar-gaarka ee OCHA ayaa ka deyrineysa xaaladda cunto ee magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

OCHA waxay sheegtay in raashinka uu gabaabsi yahay kadib markii magaalada ay gashay  go’doon, taasina ay sababtay in sicirka uu sare u kaco.

OCHA waxay tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay sii murjiso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay deegaankaasi.

Sidoo kale waxay ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed iyo hey’adaha gar-gaarka in ay gacan ka geystaan caawinta dadka Xuddur.

Al-Shabaab ayaa go’doon-gelisay magaalada Xudur oo ku taalla koonfurta Soomaaliya, iyadoo muddooyinkii dambe xaalado bani’aadanimo laga soo warinayey halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this