Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta safar shaqo ku yimi Qardho ayaa tababar usoo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku u dhammaaday, kadibna wuxuu meel fagaare ah ku daawaday dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey. Madaxweynaya ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka dhameystay wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.

Hadaljeedintiisa Madaxweynuhu wuxuu kusoo qaatay dhacdooyinka amniga lidiga ku ah iyo deganaanshaha ee ay geystaan siyaasiyiin dano kale leh, isago xasuusiyey in nidaamka Xisbiyada badan loo hirgeliyay in Siyaasiyinta kii dood qaba uu aragtidiisa ku gudbiyo.

Nidaamka Xisbiyada waa la furay, ninkii dood qaba, ninkii siyaasiyan dood qaba, waxaa loo furay Membaro ay ka hadlaan, 10 urur siyaasaded baa jira, qofkii aragti siyaasadeed qaba xor buu u yahay, laakiin waxaan marna la aqbali karin nin dhahaya waxbaan ka mudaharaadaya oo laamiyada gubaya oo baabi’inaya oo taayiro qarxinaya, oo dano kale leh, wax la aqbali karo maaha. Ciidanka Booliiska waxaa larabaa dadkaasi inay gacan ku dhigaan oo Cadaaladda horgeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Xaaladda Soomaaliya ay marayso, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Puntland Dowladd iyo shacaba ay mar walbo u taaganyihiin sidii loo sixi lahaa nidaamka siyaaasiga ah ee Soomaaliya, iyo in loo baahanyahay in Dowladdnimada Soomaaliya wixii lagu heshiiyo la illaaliyo, sida loo illaaliyo in Puntland Doorashada Madaxweynaha la qabto 8-da January.

Waxaan har iyo habeen u taaganahay Soomaaliya sidii loo sixi lahaa nidaamkeeda Siyaasiga ah inaan gacan ka geysano, Laakiin waxaan marna Madax iyo Shacabka reer Puntland aan suuragal ka aheyn, Wadada Soomaaliya lagu soo celinayo intii la qaloociyo la yiraahdo iska sabra dalku haadaan ha ku dhacee taas ma suuragaleyso, wixii aan u aragno iney khaldanyihiin waa sheegaynaa, waxaan rabnaa dalkan marbuu khaldamay, burbur galay, dadkiisu isnaceen, kala irdhooben, waxaan rabnaa inuu si sax ah u dhismo, mar danbe maamulka Dowladded ama kan Puntland ha ahaado ama kan Soomaaliyeed in uusan burburin” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray dufcadii labaad ee Ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebiyey Dugsiga tababarka ee Xergoble, waxaa ka qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Masuuliyiin hore usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.

13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this