Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg Qarax Goordhow Ka Dhacay Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow qarax gobolka lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo wehlinayey.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari ayaa waxaa la sheegayaa in la gu weeraray kolonyo ciidan ah oo hoggaaminaayey taliyaha ciidamada Danab xoogga dalka inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo Walanweyne.

Qaraxa ayaa waxaa xigay dagaal u dhaxeeyey ciidamadii qaraxa uu haleelay iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaxa ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Lasoco wixii kusoo kordha

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this