Deeq A. Posted January 17, 2021 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar ee Soomaaliya. Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen horumarinta mashaariicda dowladda Qatar ka wado Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicda kala duwan ee dowlada Qatar ka hirgelineyso caasimadda. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ku-xigeenada Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo idlaaday jawi is afgarad ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites