Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee Qarax lala beegsaday Wasiirka Tirsan Xukumada Farmaajo Wadada laga Galo Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyey ee Qarax lala beegsaday Wasiirka Tirsan Xukumada Farmaajo Wadada laga Galo Madaxtooyada

 qarax-300x166.jpg
 Goor-dhaweyd qarax noociisu ahaa miinada soo booda ayaa ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta goob aan ka fogeyn Barta Controlka ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa qeybaha hore ka haleelay gaadhiga wasiirka beeraha xukuumadda Farmaajo, balse ma geysan khasaare ka badan burbur xoog leh oo soo gaadhay gaadhiga, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoog ahaa.

Wadada uu ka dhacay qaraxaas, waa tan kaliya ee sida aadka ah ay u isticmaalaan mas’uuliyiinta Xukumada Farmaajo, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo dhaq-dhaqaaqiisa magaalada uu xadidanyahay, ayaa ku safra wadadan markii uu ka dhoofayo garoonka.

Falanqeyn iyo fal-celin badan ayey baraha bulshada ka abuurtay goobta uu caawa ka dhacay qaraxaas, madaama ay tahay mid aan looga baran, aadna loo ilaaliyo ammaanka wadadaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this