Deeq A. Posted January 16, 2021 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) & wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin xubno ka socda hay’adaha Samafalka ayaa u kuur-geli doono xaaladaha adag ee ka jira halkaasi. Ammaanka Xudur ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayo magaaladaasi. Xudur ayaa waxaa xilligan ka jira xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kuwaas oo ka dhashay go’doomin ay magaaladaasi geliyeen dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites