Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Xudur + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) & wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin xubno ka socda hay’adaha Samafalka ayaa u kuur-geli doono xaaladaha adag ee ka jira halkaasi.

Ammaanka Xudur ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayo magaaladaasi.

Xudur ayaa waxaa xilligan ka jira xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kuwaas oo ka dhashay go’doomin ay magaaladaasi geliyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this