Deeq A. Posted January 16, 2021 Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah golaha wasiirada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Mogadishu Clan. Labada dhinac ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, amniga, doorashooyinka ee deegaanada ay matalaan oo xilligan ka mid ah meelaha ugu liita ee xaaladahooda amni, horumar iyo adeegyo aas aasi Arrimaha ugu weyn ee diiradda la saaray ayaa waxaa ka mid ah sidii amniga looga shaqeyn lahaa, doorashooyinka soo socda si ammaan uga dhici lahaayeen. Wasiirada ayaa ka dalbaday Madaxweynayaasha labada dowlad Goboleed inay raadiyaan xuquuqda matalaadda Gobolka Banaadir, iyagoo ka faa’ideysanaya xilliga kala guurk ah. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa dadaal badan ku bixinayo sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag ee loogu jiro, si loo qabto doorasho xor & xalaal ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites