Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI Oo Cambaareysay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Gobolka Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Tajuura.

Dowladda waxa ay sheegtay in xasiloonida gobolkaas dib loo soo celiyay isla markaana uu socdo baadhitaan ku aadan dhacdadaas ayna wadaan howlgalo lagu baadigoobayo kuwii weerarka geystay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidammada janda-maariiga ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada ee Tajuura.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay ciidamadii joogay saldhigga.

Arrintaa oo sababtay in ciidamaduna ay rasaas ku jawaabaan. Illaa iyo haatan lama sheegin ujeedada weerarkaasi iyo cidda leh mas’uuliyadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this