Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo hakiyay Dhaqaalihii Ay Ku Taageeri Jireen Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa waxay hakiyeen in ka badan 100 milyan oo Doolar oo gargaar ahaan loo siin lahaa waddanka Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo caawiyo

Wadamada Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in walaac xooggan ay ka qabaan wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Militariga Itoobiya ayaa waxay duullaan ku qaadeen bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig milatari oo ku yaalla gobolkaasi.

Dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub Oo hakiyay Dhaqaalihii Ay Ku Taageeri Jireen Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this