Sign in to follow this  
Deeq A.

Exclusive: – Taliyaha ciidamada Ethiopia Gen Birhanu Jula iyo Madaxweynaha Maamulka Oromiya Shimelis Abdisa oo shalay Villa Somalia kulan qarsoodi ah kula yeeshay M/weyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin deg degna Adis Ababa ugu laabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo xogoaal ah ku sugan xarunta Dalka looga taliyo ee Villa Somalia ayaa warsidaha Puntlandi u xaqiijiyey in Shalay galab ee khamiista aheyd 14.01.2021 magaalada Muqdisho ay si qarsoodi ah u yumaadeen Taliyaha ciidamada Ethiopia Gen Birhanu Jula iyo Madaxweynaha Maamulka Oromiya Shimelis Abdisa. Labada masuul ayaa la sheegay in ay kulan dheer kula qaateen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaaliya Madaxweyne Maxaamed Cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha Hayada Nabadsugida ee NISA Mudane Fahad Yaasiin, iyadoo la sheegay in isla shalay galaba ay haddana si qarsoodi ugu laabteen Addis Ababa.

Dad xogogaal ah oo kulankaas ka ag dhawaa ayaa sheegay in masuuliyiinta Villa Somalia ay si adag u adkeyeen amaanka iyo dhaqadhaqaa Villa Somalia inta uu socday kulankaas qarsoodiga ahaa oo laga reebay Raisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Gudoonka labada Aqal ee Federaalka Somaaliyeef

Masuul magaciisa qariyey ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo dareemaya cadaadiska siyaasadeed ee ka haysta khilaafka doorashooyinku uu dalbaday kulankaas deg deg ah oo diirada loogu saaray sidii ciidamada Ethiopia gacan uga geysan lahayeen amniga Caasimada Muqdisho iyo goobo kale oo ka mid ah Gobolada Dhexe iyo Hiiraan ee ay ka dhacayaan soo xulista Xubnaha Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.

The post Exclusive: – Taliyaha ciidamada Ethiopia Gen Birhanu Jula iyo Madaxweynaha Maamulka Oromiya Shimelis Abdisa oo shalay Villa Somalia kulan qarsoodi ah kula yeeshay M/weyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin deg degna Adis Ababa ugu laabtay. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this