Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo : – Shacbiga Magaalada Xudur oo go’doon iyo gaajo ku jira 8 bilood oo Farmaajo ku eedeyey inuu gobolkiisa Gedo ku mashquulay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Xudur ee caasimada ah u ah Gobolka Bakool ayaa la soo warinayaa in ay halkaas ka jirto xaalada bini’aadanimo oo aad u qalfasan, kadib markii mudo 8 bilooda ah magaaladu ku jirtay go’doonmin ay ku sameeyeen kooxda Alshabaab.

Dhamaan shacbiga ku dhaqan magaalada Xudur ayaa la sheegay in la nool yihiin gaajo iyo cabsi aad xoog badan, iyadoo habayaraatee aanay jirin wax gargaar oo ka soo gaaray mudo dheer dhinacyada Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo midka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ay maamul ahaan ka tirsan yihiin.

Mid ka mid ah odayaasha magaalada Xudur oo la hadalay waraabihinta ayaa ku eedeyey Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed inuu ku mashquulay gobolkii uu dhashay ee Gedo oo nabad ah , halkaas oo isugu geeyey ciidankii iyo dhaqaalihii Dalka halka aanu habayaartee ka naxeyn oo aanu dan ka laheyn shacbiga magaalada Xudur ee go’doonka ku jirta mudada 8 bilood ah.

Xukuumada Federaalka Somaaliyeed iyo waraabinta u adeegtay ayaa lagu eedeyey in indhaha ka qarsadeen xaalada qalfadan ee ka jirta magaalada Xudur, iyadoo taa badelkeeda ku mashquulsan oo shacbiga somaaliyeed ku jahawareeriyey dacaayado raqiis ah oo lagu aflagaadeynaayo madaxda qaar ka mid maamul goboleeda iyo musharixiinta somaaliyeed, iyo sidoo kale iska horkeenka iyo isku dirka shacbiga somaaliyeed.

Halkan ka Daawo xaalada foosha xun ee ka jirta magaalada go’doonsan ee Xudur :

The post Daawo : – Shacbiga Magaalada Xudur oo go’doon iyo gaajo ku jira 8 bilood oo Farmaajo ku eedeyey inuu gobolkiisa Gedo ku mashquulay. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this