Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo dardaaran culus u jeediyey bahda Garsoorka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lagu lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaasha sanadka cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gaari karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xiriirka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Eng. Rooble ayaa xusay Dhismaha Golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, Golaha Wasiirrada iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay bahda cadaaladda in ay musuqmaasuqa ka fogaadaan, noqdaana kuwa loo soo ordo ee aysan noqon kuwii laga cararayey.

“Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, si kor loogu qaado xuquuqdooda, tanoo looga fogaanayo laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

138610225_192054452647414_35519264008250 139411233_192054529314073_17205320259580

139024221_192054632647396_44630250848926139383122_192054699314056_54935517915901 139246081_192054499314076_19836074633329 139189929_192054609314065_74838147239518

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this